Monday, April 21st, 2014
car
cart-mobile
car
ceelali.com logo

 

 

 

 

Maxkamada Ciidanka oo xukun dil ah saaka ku fulisay 3 Askari oo geysatay dil.

Published on February 21, 2013 by   ·   No Comments

xukun dil askarMaxkamadaa sare ee Ciidanka Qalabka sida dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa saaka xukun dil ah ku fulisay Saddex Askari oo mid ka mid ah uu ahaa Sarkaal oo ka  tirsanaa Ciidamada Dowladda ooh ore u geysteen dilal dad shacab ah iyo Ciidamo.

Tiirka ku caan baxay Toogashada Iskool Boliisiya ayaa saaka lagu toogtay Saddexda Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda, waxaana goob joog ahaa Dadweyne Fara badan, Maxkamada Ciidanka qalabka sida, Maamulka gobolka Banaadir iyo Ehelada Askarta la toogtay.

Askarta ay saaka Maxkamadu toogatay ayaa waxa ay maxkamadu ku xukuntay dil toogasho ah kadib markii ay soo dhamaystirmeen dambiyadii loo heystay oo dhammaan dil ah.

Ugu dmbeyntii ma ahan markii ugu horaysay Maxkamada Ciidanka Qalabka sida dowladda Soomaaliya xukuno dil ah ku fuliso Askar ka tirsan dowladda oo falal dambiyeedyo dilal ah u geysta dad shacab ah iyo Ciidamada kale ee dowladda Federaalka Soomaaliya.

KA DHIIBO RAYIGAAG UGU MACQUULSAN FADLAN WAXAA REEBAN WaXII AFLAGADA AH IYO WXII QIBIIL AH

Readers Comments (0)




Please note: Comment moderation is enabled and may delay your comment. There is no need to resubmit your comment.

Current month ye@r day *

FeedWind