Xiddiga khadka dhexe ee Scot McTominay ayaa is jeclaysiiyay taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu 2 gool kala soo kacay kaydka.
Scot McTominay ayaa goolal dhaliyay daqiiqadii 90-aad iyo wixii ka dambeeyay kadib markii uu badal ku soo galay.
Xiddiga reer Scotland ayaa daqiiqadii 90+2-aad dhalisay goolka bar-baraha ee kooxdiisa kulankii Brentford.
Isla xiddiga ayaa soo laabtay daqiiqado kadib waxana uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa ku hogaamiyay guusha.
Xiddiga Scot McTominay ayaa noqday xididgii ugu horeeyay ee dhaliya 2 gool wixii ka dambeeya 90 daqiiqo tan ilaa Steven Bergwijn u dhaliyay Tottenham.
 

Related



Source link