Pep Guardiola ayaa kalsooni ku qaba in Arsenal iyo Liverpool ay yihiin kooxaha Man City kula tartamaya horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.
Labadii kooxood ee ku tartamay horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore ayaa isaga hor iman doona kulan ka tirsan horyaalka premier League.
City ayaa laba guuldaro la kulantay todobaadkan kadib markii ay Newcatle iyo Wolves kala kulantay guuldarooyin.
Arsenal ayaa dhinaca kale guul weyn ka gaadhay Bournemouth kulan ay ka faa’iidaysteen kufitaanka kooxda Man City.
Si kasta ha ahaatee hadii ay u baahanyihiin in ay muujiyaan awoodooda ku guulaysiga horyaalka premier Legaue waa in ay garaacaan kooxda Man City.
Arsenal ayaa laga badiyay 12 kulan oo xidhiidh ah premier League ee ay la ciyaartay Man City iyaga oo ku dhibaatooday in ay ka badiyaan city.
Si kasta ha ahaatee Guardiola ayaa rumaysan in uu haatanba arkay cadaymo muujinaya in ay kooxda Arsenal ku tartami doonto horyaalka si la mid ah Kooxda Liverpool.
“Shaki la’aan”ayuu Guardiola yidhi markii la waydiiyay in ay Arsenal iyo Liverpool yihiin kooxaha kula tartamaya Man City horyaalka”.
“Waa laba kooxood oo fiican waxana ay ku jiraan qaab ciyaareed fiican kulamada ay ilaa haatan ciyaareen”.

Related



Source link