Kevin Campbell oo la hadlayay Tribal Football ayaa yiri: “Thomas Partey waxa uu ku soo laabtay tababarka, miyaa la ciyaareysaa Partey kulanka Manchester City?
“Maya, ma doonayo in la ciyaarsiiyo, uud ahaan, waan jeclahay isaga, laakiin uma baahnid inaan halis galisid xiddig dhawaan dhaawac ka soo laabtay.
“Waxaa jiri doona kulan badan oo aan uga baahan doono Partey khadka dhexe, Declan Rice si fiican ayuu uga shaqeynayaa khadka dhexe, sidaas darteed waxaan u maleynayaa inay aan lagu bilaabin ciyaarta”.
Partey ayaa ku soo laabtay tababarka buuxa ee kooxda Arsenal ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac gumaarka ah oo soo gaadhay todobaadyadii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedkan.
30-sano jirkaan ayaa ku jiray Liiska kooxda kulankii Lens ee champions League waxa laga yabaa in kulanka Man City uu yahay mid dhakhso ku ah.

Related



Source link