Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay xiddiga Borussia Dortmund ee Donyell Malen ku dartay liiska xiddigaha bartilmaameedka u noqon kara iyaga oo doonaya in ay xoojiyaan garabka midig.
Xiddigan ayaa ku riyaaqay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedka Bundesliga waxana uu xiiso ka helayaa Yurub oo dhan isaga oo u dhaqaaqi kara premier League.
Klopp ayaa is badal weyn ku sameeyay khadka dhexe ee kooxdiisa suuqii xagaaga inkasta oo la filayo xoojin kale oo ay samayso kooxdu suuqyada soo socda.
Waxa la filay in ay kooxdu suuqa u gasho xiddig garabka ka ciyaara iyaga oo isku diyaarinaya bixitaanka Mohamed Salah kaas oo la filayo in uu ka tago kooxda.
Xiddiga ayaa la bar-bar dhigay xiddigii hore ee kooxda Arsenal Alexis Sanchez sida uu qabo tababarihii hore ee kooxda da’yarka Ajax.
“Hadii aan Malen bar-bar dhigo xiddig premier League ah waxa aan bar-bar dhigi karaa Alexis Sanchez”.

Related



Source link