Weeraryahankii hore ee Liverpool Andy Carroll ayaa qirtay inuu doonayay inuu ku dhoco tijaabada caafimaadka Liverpool ka hor intii uuna heshiis wakhti fog ah ugu biirin Liverpool.
Sanadkii 2011, Liverpool ayaa doonaysay in ay buuxiso booska Fernando Torres oo si lama filaan ah ugu biiray chelsea.
Kadib markii ay Luis Suarez u keentay in uu ka garab ciyaaro Torres, Liverpool ayaa u baahatay weeraryahan cusub maalintiii ugu damabaysay suuqa.
Sidaas darteed Liverpool ayaa lacag dhan 35 milyan oo euro Newcastle kagala soo wareegtay Caroll.
Isagoo ka hadlayay wareysi uu dhawaan siiyay majaladda wararka Faransiiska ee L’Equipe, Carroll ayaa sheegay inuu si qarsoodi ah u rajeynayo inuu ku dhoco tijaabada caafimaadka kooxda Liverpool.
Waxa uu yidhi: “Laga bilaabo markii ay Liverpool samaysay dalabka furitaanka ah maalintii ugu dambaysay waxa aan isku arkay diyaarada helikobtar Ah aniga oo aan garanayn sababta”.
“Maadama aan dhaawac yar qabay, waxan xasuustaa in aan rajaynayay in aan ku dhoco tijaabada caafimaadka”.

Related



Source link