Halyeeyga Arsenal Ian Wright ayaa ku baaqay ‘dadaal wadareed’ si loo joojiyo Manchester City xilli ciyaareedkan si kooxdiisii ​​hore ay ugu guuleysato horyaalka Premier League.
Gunners ayaa ku dhawaatay ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay ku fashilantay kulamadii ugu dambeeyay.
Kooxda Mikel Arteta ayaa ka mid ah kooxaha ugu cad-cad ku guulaysiga horyaalka premier League iyaga oo ilaa haatan bilaa guuldaro ah xilli ciyaareedka.
Wright ayaa dareensan in ay Tottenham ku tartamayso horyaalka premier League xilli ciyaareedkan waxana uu doonayaa in ay Arsenal iyo Tottenham ku midoobaan sidoo kale Liverpool in ay Man City ka joojiyaan ku guulaysiga horyaalka.
“Waxa aan arkay kulankii Wolves ay ka badisay Man City ayaa ah in horyaalkan hadii aanad si fiican u ciyaarin in lagaa badin doono”ayuu Wright yidhi.
“Kooxaha Arsenal, Tottenham iyo Liverpool waa in ay ku midoobaan sidii ay Man City uga joojin lahaayeen ku guulaysiga horyaalka xilli ciyaareedkan”.

Related



Source link