Xiddiga da’yarka ah ee kooxda chelsea Cole Palmer ayaa furtay akoonkiisa goolasha horyaalka premier League.
Cole Palmer ayaa chelsea ku hogaamiyay guul weyn oo ay ka gaadheen kooxda Burnley kulan ka tirsanaa horyaalka premier League.
Xiddiga Cole Palmer ayaa dhaliyay gool rikoodhe ah oo loo dhigay kooxdiisa waxana uu taageerayaasha chelsea xasuusiyay xiddigii hore ee kooxda Oscar.
Xiddiga Cole Palmer ayaa noqday xiddigii ugu da’da yaraa ee rikoodhe u dhaliya kooxda chelsea tan ilaa sanadkii 2012 markaas oo uu sidaas sameeyay xiddiga reer Brazil ee Oscar.

Related



Source link