Weeraryahanka Liverpool Luis Diaz ayaa iska indha-tiray xiddiga ay isku kooxda yihiin ee Mohamed Salah xilli uu doortay shaxdiisa 5-ta ah ee riyada ee Liverpool.
Tan iyo markii uu yimid Anfield suuqii January 2022, Diaz wuxuu noqday ciyaaryahan muhiim u ah kooxda koowaad ee tababare Jurgen Klopp.
26 jirka reer Colombia ayaa dhaliyay 14 gool wuxuuna caawiyay sagaal kale 56 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan, Taas waxaa ku jira seddex gool iyo caawin sagaal kulan xilli ciyaareedkan.
Dhanka kale Salah ayaa tan iyo markii uu Reds yimid sanadkii 2017-kii soo bandhigay qaab ciyaareed heer sare ah isaga oo kooxda u dhaliyay 190 gool halka uu caawiye ka noqday 83 kale.
Inkasta oo uu Salah Halyeey ka noqday Liverpool hadana Diaz ayaa iska indhatiray markii uu doortay shaxda 5 xiddig ee riyada.
“ugu horayn Alisson, Van Dijk marka xigta Steven Gerrard marka 3-aadiyo Ugu dambayn Dalglish”ayuu yidhi.
Related