Tababaraha kooxda Arsenal Mikel Arteta ayaa xaqiijiyay in Bukayo Saka uu taam u yahay kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Man City kana tirsan premier League.
Xiddiga 22 jirka ah oo ciyaaray 87 kulan premier League ayaa dhaawac uga baxay kulankii champions League ee ay kooxdu la ciyaartay Lens.
Waxa laga cabsi qabay in uu xiddigu seego kulanka adag ee ay Arsenal la ciyaari doonto Man City Axada kana tirsan premier League.
Ka hor kulanka, tababaraha kooxda ee Mikel Arteta ayaa ka warbixiyay xaalada xiddiga waxana uu xaqiijiyay in uu taam u yahay in uu ciyaaro kulanka.
“Wuu ciyaari karaa kulanka, aynu eegno sida uu horumar u sameeyo ka hor kulanka”ayuu Arteta yidhi.
Saka ayaa ah xiddiga ugu muhiimsan kooxda Arsenal xilli ciyaareedkan waxana uu ka qayb qaatay kulamo muhiim ah oo uu kooxda u dhaliyay goolal.

Related



Source link