Erling Haaland ayaa shaaca ka qaaday waqtigii uu ‘ogaaday’ in Manchester City ay dhaafi doonto Arsenal si ay ugu guuleysato koobkii Premier League ee xilli ciyaareedkii hore.
Gunners ayaa ku dhawayd in ay ku guulaysato premier League xilli ciyaareedkii hore laakiin waxa ay dhibaatootay kulamadii ugu dambeeyay ee xilli ciyaareedkii hore.
City ayaa guuldaro la’aan ahayd 12 kulan wakhtigaas intii u dhexaysay February iyo May laakiin natiijadii bishii April ayaa Haaland ku qancisay in ay kooxdiisu ku guulaysano horyaalka inkasta oo ay 5 dhibcood ka dambeeyeen Arsenal.
Maalintaas Man City ayaa guul soo laabasho leh oo 4/1 ah ka gaadhay Liverpool taas oo soo afjartay hogaankii Arsenal ee horyaalka premier League.
“Aniga ahaan, waxay ahayd ciyaartii Liverpool ee garoonkeena, aad baan u walwalsanaa,” ayuu Haaland yidhi.
“1-0 ayay ku hogaaminayeen laakiin waxan ogaa hadii aan kulankaas badino in aan ku guulaysanayno horyaalka”.
“Kulankaas 5 dhibcood ayaan ka dambaynay Arsenal laakiin waxan ogaa in aan kulamo badan badin doono”ayuu sii raaciyay.
Related