Halyeeyga kubada cagta ee Mark Van Bommel ayaa lagu soo waramayaa in lagu qabtay Baaskoolad laguna qasbay in uu heshiis saxiix ama in la dili doono qoyskiisa.
6 bilood kadib markii uu noqday tababaraha kooxda Royal Antwerp, Halyeeyga reer Netherlands ayaa lagu qabtay baaskoolad si uu u saxiixo heshiis uu ugu soo laabanyo kubada cagta kuna ciyaarayo kulan.
Dhacadan ayaa dhacay 22 bishii October ee sanadkii 2022 waxan lagu qasbay in uu saxiixo heshiis uu ku ciyaarayo kubada cagta ama la dili doono qoyskiisa.
Sidoo kale Mark Van Bommel ayaa loo sheegay in uuna aadin ciidamada amaanka hadii ay dhacdana la dilayo isaga iyo qoyskiisa sida laga soo xigtay De Telegraaf.
Van Bommel ayaa kooxda Barcelona kula guulaystay champions League sanadkii 2006 waxana uu ka mid yahay xiddigaha u dhashay dalka Netherlands ee ugu guulaha badan taariikhda kubada cagta.
Van Bommel ayaa u so ciyaaray kooxaha ugu waaweyn qaarada yurub waayihii uu ciyaarayay isaga oo u sii ciyaaray kooxaha Barcelona, Bayern Munich iyo Ac Milan.

Related



Source link