Muqdisho (soomaalinews.com) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax goordhow ka dhacay waddada Via Liberia, gaar ahaan arfaafka hore ee maqaayad caan ah oo lagu magacaabo Sanca oo ku taalla aagga isgoyska Shaqaalaha.

Goobjoogayaal ayaa soomaalinews.com u sheegay in qaraxaas uu ka dhex kacay gaari nooca raaxada ah, waxaana ka soo baxaya warar kala duwan.

Xogta ugu badan waxay sheegeysaa in qaraxaasi uu ahaa mid gaarigiisa loogu soo xiray shakhsigii watay, kaas oo ku dhex gubtay gaariga, maadaama uu qaraxu ahaa mid culus.

Walaac badan ayaa ka jira aagga uu qaraxaasi ka dhacay, mana jirto cid faahhaafin ka bixisay weli khasaaraha uu geystay qaraxaan ka dhacay agagaarka isgoyska shaqaalaha.

Mudooyinkii dambe waxa Muqdisho ka yaraaday qaraxyadi laga soo buuxi jiray gaadiidka iyo dilalkii qorsheysnaa ee loo geysa jiray dadka haldoorka ah.

Hadda waxaa weli socda qaraxyada gaadiidka loogu dhejinayo shakhsiyaadka wata, waxaana maalmihii lasoo dhaafay dhowr qof gaadiidkooda loogu xiray qarax miino.

Inta badan waxaa soo hagaagay ammaanka caasimadda, kadib markii Muqdisho loo soo tababaray ciidan gaar ah, kuwaas oo lagu wareejiyey sugidda amniga malaayiinta qof ee Muqdisho ku nool.

Wixii ka soo kordha kala soco soomaalinews.com





Source link