Manchester United ayaa rajeyneysa inay soo gabagabeyso heshiiska amaahda ah ee Sergio Reguilon ka dib markii Tottenham ay ogolaatay daafaca inuu tijaabada caafimaadka u maro kooxda.
Red Devils ayaa ka shaqaynaysay saxiixa xiddiga Marc Cucurella oo ay ka doonayeen chelsea laakiin ka qayb galkii xiddiga ee tartanka Carabao cup-ka ayaa keentay in uu heshiisku fashilmo.
United ayaa doonaysay in ay heshiiska ku darto shardi u ogolaanaya in ay xiddiga dib ugu celiyaan chelsea suuqa January.
Si kasta ha ahaatee markii ay chelsea ciyaarsiisay xiddiga kulankii Carabao cup-ka waxa ay la macno tahay in uuna ciyaari doonin 3 qayb oo ka mid ah xilli ciyaareedka.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Tottenham ayaa Sergio Reguilon u ogolaatay in uu tijaabada caafimaadka u maro kooxda Man United.
Xiddiga ayaa xilli ciyaareedkii hore amaah ku qaatay Atletico Madrid isaga oo u saftay 12 kulan.

Related



Source link