Manchester City ayaa qarka u saaran inay lumiso ciyaaryahan weyn iyadoo kooxda Sacuudiga ee Al Ahli ay ku dhowdahay saxiixa Riyadh Mahrez, sida laga soo xigtay Ben Jacobs.
“Shaki kuma jiro Riyad Mahrez inuu doonayo dhaqaaqa Al-Ahli,” ayuu yiri Jacobs.
“Caafimaadka waa la qorsheeyay, taasoo muujineysa rajada Al-Ahli ee arrimaha si dhaqsiyaha leh u socda.
“Waxa aan fahamsanahay in Mahrez loo soo bandhigay mushahar aad uga badan midka uu haatan ka qaato kooxda Man City”.
Bernardo Silva ayaa ahaa magaca Man City markii hore lala xiriirinayay koox ka dhisan Saudi Arabia laakiin waxay u muuqataa inay noqon doonto Mahrez kan u dhaqaaqi doona.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.

Related



Source link