Xiddiga khadka dhexe ee Liverpool Thiago Alcantara ayaa si maldahan u sheegay inuu ka tagi karo Anfield xagaagan inkastoo uu kooxda kula jiro heshiis ilaa dhamaadka xilli ciyaareedka dambe ah.
Xiddiga reer Spain ayaa Merseyside ku soo biiray sanadkii 2020 laakiin waxa uu ku fashilmay in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican sababo la xidhiidha dhaawacyo is daba joog ah.
Thiago ayaa kaliya 16 kulan u saftay Liverpool xilli ciyaareedkii hore isaga oo aan wax gool ah dhalin ama caawin aan samayn waxana uu seegay 19 kulan sabab la xidhiidha dhaawac taas oo shaki galisay mustaqbalkiisa kooxda Liverpool.
Arintan waxa dabka ku sii shiday kadib markii uu maanta oo Isniin ah magaca Liverpool ka saaray dhamaan baraha bulshada.
Sida laga soo xigtay The Athletic, Klopp ayaa laga yaabaa in uuna lumin xiddiga khadka dhexe maadama uu xiddig muhiim ah ka yahay qorshihiisa xilli ciyaareedka dambe.
Related