Liverpool ayaa looga digay in ay samaysay khalad la mid ah kii ay Chelsea ku samaysay markii ay la soo saxiixatay xiddiga Timo Werner iyada oo loo sheegay in uu Darwin Nunez fashilmi doono kadib markii uu wakhti adag ku qaatay premier League xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay.
Laacibka reer Uruguay ayaa 85 milyan oo euro ugu soo biiray Reds xagaagii hore laakiin waxa uu inta badan uga ciyaara kooxda garabka weerarka waxana uu ku dhibaatooday in uu wax saamayn ah ku yeesho kooxdiisa.
Nunez ayaa dhaliyay 15 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay ee Anfield, isagoo sagaal gool dhaliyay seddexna caawiye ka ahaa 29 kulan oo Premier League ah.
Laakiin xiddiga 24 jirka ah ayaa iska khasaariyay fursado badan oo goolka hortiisa ah taas oo keentay in uu Klopp ka difaaco dadka dhaleeceeya.
Weeraryahankii hore ee Cascarino ayaa rumaysan in Nunez uu la mid yahay Werner iyo Fernando Torres markii ay ku fashilmeen kooxda chelsea.
“Klopp waxa uu arkay xiddigo badan oo weerarka ah oo kooxdiisa yimid sandkii ugu dambeeyay Laakiin ma garanayo Nunez”ayuu Cascarino u sheegay talkSPORT.
“Waxa uu helay sanad dhan oo uu joogay Anfield walina si fiican uma ciyaarin, waxa uu soo qaatay sanad niyad jab leh waxa laga yaabaa in uu noqdo Torees iyo Timo Werner oo kale”ayuu sii raaciyay.
Related