Kim Min-jae ayaa ‘macasalaameeyay asxaabtiisa Napoli’ xilli ay jiraan warar sheegaya in uu 50 milyan ugu biirayo kooxda Man United xagaaga.
Iyada oo United ku soo laabanayso champions League xilli ciyaareedka dambe Erik Ten Hag ayaa doonaya in uu xoojiyo kooxdiisa.
Inkasta oo ay kooxdu haysato xiddigaha Lisandro Martinez, Raphael Varane & Victor Lindelof hadana Ten Hag ayaa suuqa ugu jira daafac dhexe oo cusub.
Waxa ay bartilmaameed ka dhigteen xiddiga daafaca uga ciyaara Napoli ee Kim kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigay kooxda Napoli xilli ciyaareedkii dhamaaday.
Sida laga soo xigtay CalcioNapoli24, Xiddiga 26 jirka ah ee Kim ayaa macasalaameeyay xiddigaha ay isku kooxda yihiin.
Isla wargayska ayaa sheegaya in uu Kim dhawaan ka tagi doono kooxda Napoli inta lagu jiro suuqa xagaaga.
Related