Xiddiga kooxda Al-Nassr ee Cristiano Ronaldo ayaa ka yaabsaday adduunka kadib markii uu sujuuday kadib goolkii uu ka dhaliyay kooxda Al-Shabaab kulan ka tirsanaa wareega 28-aad ee horyaalka sucuudiga.
Kooxda Al-Nassr ayaa guul qaali ah ka gaadhay kooxda Al-Shabaab kadib markii looga hor maray 2 gool kulan ka tirsanaa horyaalka sucuudiga iyada oo uu Ronaldo kooxdiisa ku hogaamiyay 3-da dhibcood.
Cristiano ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah waxana uu kooxdiisa ku hogaamiyay guul ka caawisay in ay u tartamaan horyaalka sucuudiga.
Sida iska caadiga ah dadka ama taageerayaasha kubada cagta ayaa garanaya dabaal-daga Ronaldo oo ah in uu ordo kadib sameeyo dabaal-daga uu ku caan baxay ee “SUUUII”.
Laakiin Markan xiddiga ayaa adduunka ka yaabsaday kadib markii uu sujuuday kadib goolkii uu u dhaliyay kooxdiisa taas oo ka yaabisay adduunka.
Sida caadiga ah xiddigaha muslimiinta ah ee ciyaara kubada cagta ayaa sujuuda marka ay gool dhaliyaan iyaga oo illahay uga mahad celinaya waxa uu u suurtagaliyay.
Wargeysyada caalamiga ah ayaa wax ka qoray sujuudda Ronaldo, waxaana wargeyska caanka ah ee “Daily Mail” uu ku macneeyay in “sujuudu ay ka dhigan tahay diinta Islaamka oo loo sujuudo Alle”
“CNN Indonesia” ayaa sheegay in Ronaldo uu u dabaaldegay habka gaarka ah ee walaalaha Muslimiinta ah sababtoo ah farxad weyn oo ku saabsan guusha, taas oo ka dhigtay in tartanka uu sii socdo horyaalka Sacuudiga.
Wargayska “latestly”ayaa qoray in taageerayaashu ay tixgeliyeen waxa uu Ronaldo sameeyay xilli taariikhi ah, gaar ahaan maadaama ay ahayd dhacdo lama filaan ah oo ka dhacday Sacuudi Carabiya.
Related