Kooxda Liverpool ayaa wakhti hore suuqa gashay iyaga oo doonaya in ay ku soo laabtaan champions League xilli ciyaareedka dambe.
Kadib markii ay ku dhibaatootay xilli ciyaareedkii hore Reds ayaa haatanba samaysay laba saxiix oo ay kula soo wareegtay lacag 100 milyan ah.
Xiddiga Alexis Mac Allister ayaa ahaa saxiixii ugu horeeyay ee ay Reds samaysay bilowgii suuqa halka ay ku xigsiisay xiddiga Dominik Szoboszlai.
Hadaba waxa aan warbixintan ku soo bandhigi doonaa saxiixyada ugu qaalisan kooxda Liverpool suuqa kala iibsiga.
1.Virgil van Dijk – £72.7m
Xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa Liverpool kaga soo biiray Southampton sanadkii 2018 iyada oo xiddigu ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican tan ilaa markii uu yimid kooxda.
2.Darwin Nunez – £68.7m
Wakhtigan oo kale sanadkii hore Nunez ayaa ahaa wajiga cusub ee Liverpool iyada oo kooxdu la dhacday kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay champions League.
3.Dominik Szoboszlai – £60.1m
Xiddiga reer Hungary ayaa durba ku biiray Liiska saxiixyada ugu qaalisan Liverpool kadib markii ay Reds bixisay lacagta lagu bur-burinayo heshiiskii uu kula jiray kooxda RB Leipzig.
4.Alisson – £53.7m
5.Naby Keita – £51.5m
6.Luis Diaz – £40.4m
7.Christian Benteke – £39.9m
8.Fabinho – £38.7m
9.Diogo Jota – £38.4m
10.Alexis Mac Allister – £36.1m

Related



Source link