Chelsea ayaa iska dhaaftay fursad ay kula soo saxiixan lahayd James Maddison ka hor intii uuna ku biirin Tottenham sabab la xidhiidha da’da xiddiga oo ka weyn 25 sano.
Maddison ayaa la siiyay ogolaansho ah in uu isaga tago kooxda leicester City kadib markii ay hadheen premier League iyada oo Tottenham Ku guuleysatay tartanka saxiixa ciyaaryahanka khadka dhexe bishii June.
Heshiiska ay Tottenham ku heshay xiddiga ayaa u muuqda mid guul ah iyada oo xiddigu soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah isla markaas dhaliyay 2 gool 2 kalena caawiye ka noqday.
Chelsea ayaa sidoo kale lala xidhiidhinayay saxiixa xiddiga Maddison laakiin waxa ay iska diiday saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay The Telegraph, qorshaha suuqa kala iibsiga ee Chelsea xagaagan waxay ahayd inay la soo wareegto ciyaartoy da’doodu tahay 25 jir ama ka yar taas oo meesha ka saartay in ay u dhaqaaqdo saxiixa Maddison maadama uu 27 sano jir yahay.
Related