Kooxda Arsenal ayaa xiddiga Southampton ee Romeo Lavia ka doorbidaysa xiddiga kooxda Brighton ee Moises Caicedo sida ay sheegayaan wararku.
Tababaraha Arsenal Mikel Arteta ayaa aad u doonaya in uu xoojiyo khadka dhexe ee kooxdisia waxana uu bartilmaameedka 1-aad ka dhigtay xiddiga West Ham ee Declan Rice.
Laakiin bixitaanka Thomas Partey iyo Granit Xhaka ayaa keenaysa in uu Arteta raadiyo xiddig kale oo khadla dhexe ah.
Arsenal ayaa xiiso wakhti fog ah u haysa xiddiga Moises Caicedo kadib markii ay suuqii January isku dayday saxiixiisa laakiin haatan waxa ay doonaysaa xiddig ka jaban qiimo ahaan.
Brighton ayaa Arsenal ka diiday lacag dhan 75 milyan oo euro suuqii January waxana ay haatan doonaysaa lacag intaas ka badan taas oo keentay in ay Arsenal isaga hadho baacsigiisa.
Sida laga soo xigtay Mirror, Arsenal ayaa isaga hadhay baacsiga Moises Caicedo sabab la xidhiidha in uu Lavia qiimo ahaan ka jaban yahay xiddiga reer Ecuador.

Related



Source link