Weeraryahanka Manchester United Anthony Martial ayaa ahaa mid si weyn uga dhex maqan kooxda Erik ten Hag oo loo magacaabay ciyaarta saaxiibtinimo ee ugu horeysay xagaagan ee ay la ciyaareen Leeds United.
Red Devils ayaa arbacada magaalada Oslo kula ciyaari doonta kooxda ay xafiiltamaan Leeds United kulankoodii ugu horeeyay ee isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Xiddigo dhawr ah ayaan ku lug lahayn kulamadii fasaxa xulalka ee kadib dhamaadka xilli ciyaareedka waxana ay ku soo laabteen tababarka todobaadkii hore.
Waxa ka mid ah Lisandro Martinez, Raphael Varane, Jadon Sancho & Aaron Wan-Bissaka.
Martial ayaa sidoo kale ka mid ahaa xiddigaha ka maqan Liiska kooxda Man United ee kulamada isku diyaarinta xilli ciyaareedka cusub.
Sababta uu Martial kaga maqan yahay liiska kulanka Leeds United ayaa ah dhaawac, xiddiga Martial ayaan wali si buuxda uga soo kabsan dhaawacii uu ku seegay Final-kii koobka adduunka.

Related



Source link