Manchester United ayaa ka jawaabtay ganaaxa ay UEFA dusha ka saartay kadib markii lagu soo oogay in ay jabiyeen xeerka dhaqaale wanaaga.
UEFA ayaa Man United ku gaeaacday lacag dhan €300,000 kadib markii ay jabisay xeerka dhaqaale wanaaga ee FFP.
Man United ayaa lagu ganaaxay kadib markii ay wax yar jabisay xeerka dhaqaale wanaaga intii uu socday xanuunka Korona.
Laakiin Man United ayaa muujisay sida ay uga niyad jabsantahay ganaaxa ay UEFA dusha ka saartay iyaga oo sheegay in ganaaxu uuna wax saamayn ah ku yeelan doonin qorshohooda suuqa kala iibsiga.
Bayaan ay soo saartay kooxda ayaa lagu yiri: “Iyada oo aan ka niyad jabsanahay Ganaaxa hadana Man United ayaa aqbashay ganaaxa ay UEFA soo saartay”.
Related