Xiddigii hore ee kooxaha Tottenham iyo Man United Dimitar Berbatov ayaa saadaaliyay kulanka adag ee dhexmari doona kooxaha Liverpool iyo Tottenham.
Kulanka ayaa dhici doona Sabtida waana kulan ka tirsan horyaalka premier League wareegii 7-aad ee xilli ciyaareedka.
Labada kooxood ayaa ku bilowday xilli ciyaareedka si cajiib ah iyaga oo ilaa haatan bilaa guuldaro ah 6 kulan oo ay ciyaareen.
“Waxaan u maleynayaa inay noqon doonto ciyaar adag, Spurs-na waxay u baahan tahay inay diyaar ahaato oo ay fursadaha ay helaan ka faa’iidaystaan”ayuu Berbatove yidhi.
“Liverpool waxay leedahay awood weerar oo halis ah. Fiiri Nunez, Salah, iyo kuwa kale”.
“Labada kooxood ayaa heysta ciyaartoy goolal dhalin kara. Spurs waxay u baahan tahay inay ka faa’iidaysato fursadaha ay helaan”.
“Waxa aan saadaalinayaa in ay Tottenham ku badin doonto 2/1″ayuu sii raaciyay.

Related



Source link