Wakiilka xiddiga khadka dhexe ee kooxda Fiorentina Sofyan Amrabat Ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu xiddigu heshiiska shaqsiga ah la gaadhay kooxda Man United.
Wakiilka xiddiga ayaa sidoo kale sheegay in uu Sofyan Amrabat u furanyahay in uu ku biiro 2 ilaa 3 kooxood oo reer yurub ah suuqa kala iibsiga xgaagan.
Xiddiga reer Morrocco ayaa la rumaysanyahay in uu bartilmaameed u yahay Man United iyada oo Ten Hag doonayo ugu yaraan xiddig kale oo khadka dhexe ah.
Xiddiga 26 jirka ah oo horay ula soo shaqeeyay Erik Ten Hag ayaa saacadihii ugu dambeeyay la sheegayaa in uu heshiis la gaadhay kooxda Man United si uu ugu biiro Old Traford.
Si kasta ha ahaatee Mahmoud El Boustati oo ah wakiilka Amrabat ayaa sheegay in uu xiddigu ka tagi doono Fiorentina laakiin uuna wali cid heshiis la gaadhin.
“Waxa jira kooxo badan oo doonaya Sofyan”ayuu yidhi.
“Haatan waa in aan samayno dookha saxda ah, wali waa xiddig u ciyaara Fiorentina waxana uu yimid tababarka isniintii”.
“Ma jirto cid uu heshiis la gaadhay laakiin waxa jira 2 ilaa 3 koox oo doonaya saxiixiisa”.
Related