Arsenal ayaa ka cabsi qabta in saxiixeeda xagaaga Jurrien Timber uu dhaawac halis ah ka soo gaaray jilibka kulankii sabtida ay ka badiyeen Nottingham Forest.
Timber ayaa kulankiisii ugu horeeyay u ciyaaray kooxda Arsenal kulankii Forest ee horyaalka premier League ah.
Laakiin xiddiga daafaca ka ciyaara ayaa la badalay qaybtii dambe ee ciyaarta sabab la xidhiidha dhaawac jilibka ah.
Timber ayaa maray baadhitaano badan oo ay ku samaysay kooxdu si loo sameeyay baadhitaano dheeraad ah oo lagu qiimayanyo xaalada xiddiga.
Laakiin wargayska MailSport ayaa sheegay in ay Arsenal ka wal-walsantahay xaalada xiddiga iyaga oo ka cabsi qaba in uu dhaawac halis ah soo gaadhay.
Related