Waxa la soo afjaray kulamadii horyaalka premier League iyada oo kooxo badan soo bandhigeen qaab ciyaareed cajiib ah.
Kooxaha Man City, Liverpool iyo Arsenal ayaa isugu jawaabay guulo kala duwan oo ay gaadheen todobaadka horyaalka.
Dhinaca kale kooxaha Man United iyo chelsea ayaa guuldarooyinkii 2-aad ee horyaalka premier League gaadhay xilli ciyaareedkan.
Kadib kulamadii la ciyaaray waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadka horyaalka premier League.
Kooxda Tottenham oo 5 ku xasuuqday Burnley ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 3 xiddig.
Dhinaca kale kooxda Arsenal ayaa shaxda ku leh 2 xiddig kadib markii ay garaaceen kooxda Man United.
Kooxaha Everton, Liverpool, Man City, Brighton, Nottingham Forest Ayaa dhinacooda shaxda ku leh min hal xiddig.
Related