Brighton ayaa xiiso u qabta saxiixa xiddiga kooxda Man United ee Scott McTominay iyaga oo u doonaya badalka Moises Caicedo.
Xiddiga reer Ecuador ayaa ka tagay kooxda Brighton xagaagan iyada oo chelsea iyo Man United ku dagaalamaya saxiixa xiddiga.
21 jirkan ayay Brighton ku qiimaysaa lacag dhan 80 milyan oo euro laakiin waxa ay heli kartaa lacag intaas ka badan hadii ay United iyo chelsea ku dagaalamaan saxiixa xiddiga.
Chelsea ayaa la sheegayaa in ay haatanba heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Caicedo laakiin ma doonayso in ay bixiso lacagta 80-ka milyan ee ay Brighton doonayso.
Sida laga soo xigtay CBS Sports, Man United ayay arintaas albaabka furaysaa waxana ay Brighton xiiso u qabtaa saxiixa xiddiga McTominay.
Waxa la aaminsanyahay in uu Erik Ten Hag doonayo in uu sii haysto McTominay laakiin iibkiisa ayaa 30 milyan jeebka ugu shubi karta tababare Ten Hag si uu ugu xoojiyo kooxdiisa.

Related



Source link