Saxiixa cusub ee kooxda Barcelona Oriol Romeu ayaa markii ugu horaysay ka hadlay ku biirista kooxda Barcelona.
Shabakada Relevo ayaa Romeu qabatay isaga oo ku sii socda Cusbitaalka Barcelona halkaas oo uu tijaabada caafimaadka ugu marayay kooxda Barcelona.
Xiddiga aya wax laga waydiiyay ku biiristiisa kooxda Barcelona waxana uu ku jawaabay isaga oo dhoolacadaynaya”Aad ayaan ugu faraxsanahay in aan ku biiro Barcelona”.
Xiddiga reer Spain ayaa sidoo kale la waydiiyay hadii uu la hadlay Tababare Xavi waxana uu ku jawaabay”Maya lama hadlin”.
Xiddiga 31 jirka ayaa la filayaa in uu dhamaystiro ku biirista Barcelona ka hor inta ayna kooxdu us afrin Maraykanka.
Sii Akhriso: DEG-DEG: Al-Shabaab Oo Gubtay Baabuur Cunto U Waday Magaalada Baydhabo.
Related