Kooxda Saudi Al-Nasr ayaa bilowday wada xaajoodyo rasmi ah oo ay ku doonayso inay ku hesho adeega saxiixa xiddiga reer Senegal ee Sadio Mane inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Kooxda Al-Nasr ayaa raadinaysa inay ku qanciso Mane reer Senegal inuu ku biiro kooxda oo ay haatan u ciyaaraan Cristiano Ronaldo iyo Marcelo Brozovic.
Sida laga soo xigtay wargeyska Saudi Arabia, Al-Riyadiah, Bayern Munich ayaa siisay Al-Nasr ogolaansho ay wadahadalo kula furto Mane si ay u helaan saxiixa xiddiga.
Wargeyska Saudi Arabia ayaa sheegay in Bayern Munich ay u sheegtay Al-Nassr in ay bixiso 30 milyan oo euro si ay u hesho saxiixa xiddiga reer Senegal.
Mane ayaa noqon kara xiddiga ugu magac weyn ee ugu dambeeyay ee yimaada horyaalka sucuudiga kadib Ronaldo, Benzema, Kante iyo xiddigo kale oo waaweyn.
Sii Akhrso: Madaxweyne Xassan Sheekh Oo Fariin U Diray Masuuliyiinta Loo Haysto Musuq-Maasuqa

Related



Source link