Garoowe (soomaalinews.com) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay furitaanka kalfadhiga baarlamaanka maamulkaas ayaa ka hadlay arrimo dhowr ah oo ku aadan xaaladda dalka.

Saciid Deni ayaa khudbadiisa kusoo hadal qaaday xiisadda mar kale kasoo cusboonaatay gobolka Gedo, taas oo u dhexeyso Jubbaland iyo reer Gedo.

Madaxweynaha Puntland ayaa shaaca ka qaaday in walwal ay ku heyso xaaladda gobolka Gedo, gaar ahaan xasilooni darrada uu sheegay inay kasoo korortay gobolkaasi.

“Dowladda Puntland waxay walwal xoogan ka muujinaysaa xaalada amni iyo xasilooni darro siyaasadeed ee gobolka Gedo” ayuu khudbaddiisa ku yiri madaxweyne Saciid.

Sidoo kale wuxuu dalab culus u diray madaxda dowladda federaalka, isaga oo ugu baaqay in aysan ku dhaqaaqin ficilo lamid kuwa dowladdii hore, sida in la xayiro diyaaradaha.

“Madaxda dowladda federaalka waa in aysan ku kicin ficiladii ay horey ugu cambaareyn jireen madaxdii hore ee ah xayiraada diyaaradaha rakaabka” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xiisadda Gedo ayaa mar kale cirka isku sii shareertay, kadib markii uu Axmed Madoobe maamul cusub u magacaabay gobolkaasi, ayada oo xal laga gaarin khilaafkii hore.

Si kastaba, lama oga halka ay ku furan doonto arrinta haatan soo korortay oo durbo saameynteeda la dareemay, maadaama la hakiyay duulimaadyadii gobolka Gedo.





Source link