Romeo Lavia ayaa calaamado wanaagsan u diray Liverpool oo muujinaya inuu aad u jecel yahay inuu u dhaqaaqo Anfield, sida laga soo xigtay weriyaha suuqa kala iibsiga Jacque Talbot.
Si kastaba ha ahaatee, caqabada ugu weyn ee hortaagan in heshiiska la dhameeyo ayaa ah qiimaha ay Southampton ku doonayso xiddiga oo ah 50 milyan oo euro.
Reds ayaan doonayn in ay lacag intaas le’eg ku bixiso 19 jirka khadka dhexe ee reer Belgian.
Liverpool ayaa diyaarinaysa dalab cusub oo ay ka gudbinayso xiddiga iyaga oo wali qiimaynaya xaalada xiddiga iyo sida ay wax u socdaan.
Xiddiga khadka dhexe ayaa sidoo kale xiiso ka helaya kooxaha Arsenal iyo chelsea kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga khadka dhexe ee da’yarka ah.

Related



Source link