Romelu Lukaku ayaa wadahadalo kula jira in uu Cristiano Ronaldo iyo Karim Benzema kula midoobo horyaalka sucuudiga sida ay sheegayaan wararku.
Weeraryahanka Chelsea ayaa la filayaa inuu u duulay Bariga Dhexe si uu wadahadalo ula galo kooxda Al-Hilal.
Lukaku ayay u badan tahay inuu ka tago Stamford Bridge xagaagan ka dib markii uu ka baxay qorshaha kooxda kadib markii uu si weyn ugu dhibaatooday in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo.
Mauricio Pochettino ayaan ku qanacsanayn in uu 30 jirku ka qayb ahaado kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe taas oo la macno in uu isaga tagi karo kooxda xagaagan.
Kooxda Al-Hilal ayaa doonaysa in ay la soo saxiixato xiddig weyn sida ay sameeyeen kooxaha kala dhisan horyaalka sucuudiga waxana ay Lukaku u arkaan xiddig ay heli karaan.
Lukaku ayaa Horyaalka sucuudiga kula biiri kara xiddigaha Ronaldo iyo Messi kuwaas oo haatanba la xaqiijiyay in ay u ciyaarayaan kooxaha Al-Nassr iyo Ittihad.

Related



Source link