Manchester City ayaa halkeeda ka sii wada natiijooyinkeeda cajiibka ah ee xili ciyaareedkan waxayna gaadhay guul cusub oo ay ka gaadhay horyaalka Premier League.
waxayna markan garaacday kooxda Nottingham Forest iyada oo laba gool oo nadiif ah ku dhalisay wareegii lixaad ee tartanka maxaliga ah.
Inkastoo Manchester City ay guul ka gaartay ciyaartii maanta hadana waxa kulanka ka dhacay rikoodh xun oo ay Man City dhigtay kadib kaadhkii casaa ee loo taagay Xiddiga Rodri.
Dhowr ilbiriqsi oo kaliya ayaa ka soo wareegay bilowgii qeybta labaad markii garsooraha ciyaarta uu kaadhka cas ee tooska ah u taagay xiddiga khadka dhexe ee Rodri.
Inkastoo Rodri casaan loo taagay, Manchester City ayaa gaadhay guul muhiim ah waxana ay badiyeen kulankii 6-aad oo xidhiidh ah premier League.
Sida laga soo xigtay Opta, Rodri ayaa noqday ciyaaryahankii ugu dhaqsiyaha badnaa ee casaanka loo taagay qeybtii labaad ee ciyaarta Premier League 45 daqiiqo iyo 27 ilbiriqsi, gaar ahaan tan iyo xilli ciyaareedkii 2007.
Rodri ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican Manchester City labadii xilli ciyaareed ee la soo dhaafay.

Related



Source link