Rio Ferdinand ayaa aaminsan in Jurrien Timber uu shaxda Arsenal ka badali doono daafaca Gabriel Magalhaes xilli ciyaareedka dambe.
Timber ayaa ku dhaw in uu ku biiro kooxda Arsenal iyada oo uu Arteta doonayo in uu xoojiyo kooxdiisa ka hor bilaabashada xilli ciyaareedka cusub.
Arsenal ayaa Ajax kala heshiisay qiimaha xiddiga iyada oo uu xiddigu heshiis wakhti fog ah u saxiixi doono kooxda Arsenal.
Rio Ferdinand Oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Man United ayaa doonaysay Timber ka hor inta ayna u dhaqaaqin Lisandro Martinez”.
“Waa xiddig orod badan sidoo kale ku ciyaari kara kubada waxa uu wax badan ku soo kordhin doonaa kooxdawaxana uu ka garab ciyaari doonaa Saliba”.
“Aniga ahaan waxa uu booska kala bixi doonaa Gariel sababta oo ah waxa uu ka ciyaari karaa 4 daafac ah waliba si raaxo leh”.
Sii Akhriso: Dagaalka Ka Socda Laasacaanood Ma Hor Istaagi Kartaa Aqoonsiga Somaliland? Xildhibaan Gavin Williamson Ayaa Ka Jawaabay.
Related