Kooxda Liverpool ayaa kulan adag la ciyaari doonta kooxda Newcastle kulan ka tirsan todobaadkii 3-aad ee horyaalka premier League.
Liverpool ayaa doonaysa guusheedii 2-aad oo xidhiidh ah si ay u sii wadaan guulaha horyaalka Premier League.
Dhinaca kale Newcastle oo guuldaro kala kulantay Man City todobaadkii hore ayaa doonaysa in ay ku cadho baxdo Liverpool.
Kulanka: Newcastle Vs Liverpool
Tartanka: Premier League
Wakhtiga: 6:30
Garoonka: James’ Park
XAQIIQOOYINKA KULANKA:
Ka dib markii laga badiyay kulankiisii ​​​​ugu horeysay ee Newcastle December 2015, Jurgen Klopp Ayaa kooxdiisa ku hogaamiyay 13 kulan oo guuldaro la’aan ah oo ay la ciyareen Newcastle.
Reds ayaa dooneysa inay badiso seddex kulan oo isku xigta oo horyaalka ah oo ay ku ciyaarto St James Park markii ugu horeysay.
13 ka mid ah ciyaartoyda Newcastle ayaa kaarka cas loo taagay kulamadii Premier League ee ay Reds la ciyaartay, waana kooxda labaad ee ugu tirada badan taariikhda Premier League kadib 15kii ay Everton ka heshay Liverpool.
Reds ayaan laga badinin 13 kulan oo ay ciyaareen, waana kooxda ugu badan premuer League haatan, waxa looga hor maray gool 5 ka mid ah kulamada laakiin waxa ay 9 dhibcood ka heleen kadib goolal looga hor maray.

Related



Source link