*Guushii Tottenham 4-1 kaga badisay Wembley October 2017 waa guushooda kaliya ee 23 kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.
*Reds ayaa guuldarro la’aan ku ah garoonka Tottenham Hotspur Stadium, iyagoo badiyay saddex jeer, halka mid kalena ay barbaro galeen afartii kulan ee ugu dambeeysay.
*Liverpool ayaa gool ka dhalisay Spurs 17 kulan oo xiriir ah tartamada oo dhan tan iyo markii uu Jurgen Klopp kulankiisii ugu horeeyay ee uu hogaamiyo ku dhamaaday barbaro gool la’aan ah Premier League kulan ka dhacay White Hart Lane bishii October 2015.
*Tottenham ayaa u tartamaysa in ay todobo kulan guuldarro la’aan ku bilawdo horyaalka Premier League markii saddexaad oo kaliya, ka dib 12 kulan oo aan laga badinin 2016-17 iyo todoba xilli ciyaareedkii hore.
*Son Heung-min ayaa shabaqa soo taabtay seddexdii kulan ee ugu dambeysay Premier League ee uu ka horyimid Liverpool.
*Liverpool ayaan laga badinin 17 kulan oo isku xigta oo Premier League ah tan iyo bishii April ee sanadkii hore, waxayna badisay 12 kulan shan kalena barbaro ayay gashay.
*Salah ayaa u tartamaya inuu noqdo ciyaaryahankii ugu horreeyay ee diiwaangaliya caawinta lix kulan oo isku xigta oo Premier League ah oo uu ku ciyaaray meel ka baxsan garoonka.
Related