Rasmus Hojlund ayaa sheegay in uuna sugi karin ciyaarista kulanka ay Man United la ciyaari doonto kooxda Copenhagen champions League xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha in ay kooxda reer Denmark u ciyaaraan walaalihiis.
Hojlund ayaa Old Trafford kaga soo biiray Atalanta xagaagii, wuxuuna kulankiisii ugu horeeyay u saftay Red Devils Axadii garoonka Arsenal ka dib markii uu ka soo kabsaday dhaawac dhabarka ah.
Weeraryahanka ayaa qeyb weyn ka noqon doona tartanka Champions League ee United xilli ciyaareedkan iyada oo isku aadku United ku beegay Group ay ku jirto Bayern Munich Galatasaray iyo Copenhagen.
Walaalaha Hojlund ee Oscar iyo Emil ayaa u ciyaara kooxda reer Denmark waxana uu xiddiga Man United ku faraxsanyahay in uu ka hor tago Walaalihiis.
“Runtii aad ayaan u rajeynayaa inaan ku kulano Champions League,” Hojlund ayaa u sheegay Bold.
“‘Dabcan aad ayay u fiican tahay inaad la kulanto kooxdaadii hore, Waa naadigayga guriga, laakiin maaha marar badan oo aad la kulanto walaalahaa noloshaada”.
Related