Kooxda Liverpool ayaa bar-baro niyad jab leh kala kulantay kooxda Aston Villa kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier League.
Kulanka ayaa ahaa mid ku adag Liverpool iyada oo Aston Villa soo bandhigtay qaab ciyaareed cajiib ah.
Aston Villa ayaa daqiiqadii 20-aad iska khasaarisay fursad ay gool ku dhalin lahayd kadib markii ay iska khasaarisay rikoodhe loo dhigay.
Laakiin Aston Villa ayaa daqiiqadii 27-aad hogaanka u qabatay ciyaarta kadib markii uu Jacob Ramsey hogaanka u dhiibay kooxdiisa ciyaartan ka dhigay 1/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Liverpool xitaa ku fashilantay in ay tijaabiso goolka kooxda Aston Villa.
Qaybtii dambe ayay Liverpool ahayd kooxda fiican iyaga oo raadinayay goolal laakiin Villa ayaa si fiican u difaacatay goolkeeda una diiday Liverpool in ay hesho fursado fiican.
Daqiiqadii 89-aad ayay Liverpool dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Roberto Firmino kaas oo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Liverpool si Rasmi ah u lumisay rajadoda u soo bixista champions League xilli ciyaareedka dambe.

Related



Source link