Muqdisho (soomaalinews.com) – Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta qaaday tallaabo aan dastuuri aheyn, oo uu kaga dul boodayo awoodaha dastuuriga ah ee madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xamza ayaa u magacaabay Xaawo Axmed Xasan Maareeyaha Guud ee Hay’ada Tayo-dhawrka, halka uu Suuban Cabdi Nuur Gaas u magacaabay maareeye ku-xigeenka guud ee Hay’ada Tayo dhawrka. 

Tallaabadan ayaa ah mid ra’iisul wasaaraha uu ku galay khaladaad dastuuri ah, isaga oo la wareegaya awoodda madaxweynaha, meeshana ka saaray Maareeyaha Hay’adda Cali Yaasiin Gurbe.

Maaareeye Cali Yaasiin Gurbe ayaa waxaa magacaabay madaxweyne Xasan Sheekh, oo ku magacaabay qodobka koowaad ee dastuurka, ayada oo isla maariyihii horena uu xilka ka qaaday madaxweynaha.

Haddii ay dhacdo in xilka laga qaado Cali Yaasiin, waxaa sidaas sameyn kara madaxweynaha oo kaliya, ayada oo magacaabis kasta oo cusubna ay ka imaneyso isla dhanka madaxweynaha, sida ku cad dastuurka. 

Haddaba su’aasha waxay tahay xagee ra’iisul wasaare Xamza ka keensaday awoodda uu ku magacaabay maareeyaha cusub. Waxaa sidoo kale isweydiin mudan goorma ayaa xilka laga qaaday maareeye Cali Yaasiin?.

Arrintan waxay u baahan tahay in madaxweynaha uu soo faro-geliyo, islamarkaana ayido dastuurka dalka, haddii kale waxay ku noqon doontaa calaamad su’aal aan ka harin.

Waxaa sidoo kale xusid mudan in maareeyaha uu magacaabay Xamza ay xubin ka tahay qoyska madaxweynaha, taasi oo ka dhigan in madaxweynaha ay tahay inuu si gaar ah u eego kiiskan.





Source link