Muqdisho (soomaalinews.com)- Ra’iisul Wasaaraha XFS Xamse Cabdi Barre ayaa faray hey’adaha amniga ee magaalada Muqdisho inay aad u feejignaadaan, maadaama kooxda Al-Shabaab ay ku soo jebeyso dagaalada ka socda gobollada dalka.

R/Wasaare Xamse oo hadalkaan galabta ka sheegay goobtii lagu shaaciyey natiijada imtixaanka dugsiyada sare ee dowladda ayaa farriintiisa ku xoojiyey in Muqdisho ay tahay magaalada dadka ku nool ay ku dhex dhuuma karaan dagaalyahanada ku soo jebaya dagaallada xoreynta ah ee dalka ka socda.

“Hey’adaha amniga ee Muqdisho waxaa la farayaa inay feejignaadaan oo ilaaliyaan amniga magaaladaan, markii la duulo ee cadowgu jabo, wuxuu u cararayaa magaalooyinka lagu badan yahay, marka Muqdisho waxay ugu horeysaa magaalooyinka dadka ku nool lagu dhex dhuuma karo,” ayuu yiri R/W Xamse.

R/Wasaare Xamse Barre ayaa baarlamaanka ka dalbaday inay gobollada aadaan oo dadkooda abaabulaan, kana qeyb qaataan dagaalka dalka looga xoreynayo argagixisada.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa ciidamada amniga ku amaanay sida ay u sugeen amniga Muqdisho oo kooxihii dadka dili jiray ay uga sifeeyeen.

“Hey’adaha amniga waxaan farayaa habeenada soo socda in aysan seexan, amniga aad ku soo daasheen sii xajiya inta lasoo afjarayo Khawaarijta,” ayuu yiri Xamse Cabdi Barre oo aad ula dardaarmay laamaha amniga Muqdisho.

Sidoo kale shacabka Magaalada Muqdisho ayuu Xamse kula dardaarmay inay ciidamada sii garab taagnaadaan oo ‘Garanwaaga’ ay guryahooda ka soo saaraan, isagoo ku amaanay sida ay kaalintooda uga qaateen sugida amniga caasimada.

Farriinta Ra’iisul Wasaaraha ee ku socota hey’adaha amniga Muqdisho ayaa ku soo aadeysa iyadoo Madaxweyne Xasan Sheekh uu u safray Dhuusamareeb, si dagaalka Al-Shabaab looga xoreynayo Galmudug uu u hoggaamiyo.





Source link