Kylian Mbappe ayaa ku wargaliyay kooxda Paris Saint-Germain inuusan heshiis cusub u saxiixi doonin kooxda taas oo keenaysa in ay kooxdu iska iibiso suuqa xagaagan.
Xiddiga reer France ayaa heshiis cusub u saxiixo kooxda xagaagii hore isaga oo iska diiday xiisaha kooxda Real Madrid.
Heshiiska xiddiga ayaa dhacaya sanadka 2024 waxana ay kooxdu haysataa heshiis hal sano oo dookh ah si uu u sii joogo kooxda ilaa sanadka dambe.
Lakiin Mbappe ayaa diiday in uu saxiixa halka sano ee dookha ah taas oo heegan galisay kooxaha doonaya saxiixiisa.
Sida laga soo xigtay L’Equipe, kooxda PSG ayaa diyaar u ah in ay iska iibiso xiddiga weerarka ka ciyaara inta lagu jiro suuqa xagaagan hadii uuna ogolaan in uu heshiis cusub saxiixo.
Kooxda PSG ayaan doonayn in ay xor ku lumiso xiddiga sidaas darteed waxa ay iska iibin doontaa xiddiga suuqa xagaagan.
Related