Tababare Mauricio Pochettino ayaa lagu soo waramayaa inuu ka codsaday Chelsea inay isku dayaan la soo saxiixashada xiddiga weerarka uga ciyaara Roma ee Paulo Dybala.
Kooxda chelsea ayaa dhisaysa koox adag oo tartanta xilli ciyaareedka dambe kadib markii ay kaalinta 12-aad ku dhamaysteen xilli ciyaareedkii hore
Pochettino ayaa taageero weyn u ah xiddiga ay isku dalka yihiin waxana uu u arkaa mid wax weyn ka caawin doona kooxdiisa xilli ciyaareedka dambe.
Sida laga soo xigtay saxafiga Pedro Almeida, Pochettino Ayaa doonaya in uu kooxdiisa keeno xiddiga ay isku dalka yihiin todobaadyada soo socda.
Wararka ayaa sheegaya in ay chelsea haatanba la xidhiidhay wakiilka xiddiga si ay u ogaato in uu xiiso u qabo u soo dhaqaaqista London.
Waxa xusid mudan in heshiiska Dybala ee kooxda Roma lagu bur-burin karo lacag dhan 12 milyan oo euro.

Related



Source link