Xiddiga kooxda chelsea ee N’Golo Kanté ayaa ku biiray kooxda Al Ittihad ee ka ciyaarta horyaalka sucuudiga.
Kooxda ku guulaystay horyaalka sucuudiga ee Al Ittihad ayaa si Rasmi ah ula wareegtay xiddiga khadka dhexe ee N’Golo Kanté.
Kooxda Al Ittihad ayaa heshiis 2 sano ah ka saxiixatay xiddiga khadka dhexe ee reer France isaga oo xiddiga ay isku dalka yihiin ee Benzema kula biiri doona kooxda.
Kante ayaa haatanba tijaabada caafimaadka ku maray magaalada London waxana uu qalinka ku duugay heshiis 2 sano ah.
Xiddiga reer France ayaa snaadkii jeebka ku shuban doona lacag dhan 100 milyan oo euro marka lagu daro xuquuqda xayaysiisyada.
Heshiiska Kane ee kooxda chelsea ayaa dhici doona dhamaadka bishan waxana uu kooxda reer sucuudi ugu biiri doonaa qaab xor ah.

Related



Source link