Xiddiga Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu isaga tagayo kooxda PSG inta lagu jiro suuqa kala iibsiga xagaaga.
Mustaqbalka Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu shaki ku jiro iyada oo lala xidhiidhinayo kooxda Al-Hilal.
Sida laga soo xigtay UOL Esporte, Neymar ayaa ka tagi doona kooxda PSG iyada oo si Rasmi ah loo xaqiijiyay.
Labada dhinac ayaa haatan ka shaqaynaya sidii loo kansalo lahaa heshiiska xididgu kula jiro kooxda reer France.
Neymar ayaa lala xidhiidhinayaa kooxda ka ciyaarta sucuudiga ee Al-Hilal kuwaas oo la kulmaya wakiilka xiddiga.
Related