Muqdisho (soomaalinews.com) – Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Soomaaliya, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu soo gunaanadayey hawlaha xajka ee sannadkii tagay ayaa jawaab rasmi ah ka bixiyay eedaha musuq ee loo jeediyay, kadib markii la sheegay inay akoonkiisa ay ku dhacday lacag dhan illaa $5 milyan oo dollar, taas oo si aad ah loogu baahiyay baraha bulshada.

Roobow ayaa beeniyay in lacagtaas ay ku dhacday jeebkiisa, wuxuuna tilmaamay in uusan jirinba akoon uu shaqsiyan u leeyahay, sida uu ku dooday.

“Waxaad maqasheen wax badan war wasiirkii akoonkiisa shan Miliyan ayaaba ka laa laada, horta wasiirka akoon ma leeyahay marka hore, hadana ma ku jirtaa intaas?. ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in dalka uu leeyahay hay’ado kala duwan, isla-markaana uu wasiir ama shaqsi uusan wuxuu rabo ka sameysan karin hantida dadweynaha.

“Midda kale lacagta intaas la’eg dowladda xisaabiya guud ma leh, sow hantidhowre ma leh, sow wasiir maaliyadeed mal eh oo haddii uu nin walbaa oo wasiir noqdo shan xabbo oo meesha gashan karo oo ra’iisul wasaaraha muxuu qabanayaa?” ayuu hadalkiis sii raaciyay.

Wasiirka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in sannadkan ay dadaal badan geliyeen howlaha Xajka, isla-markaana ay soo hartay lacag dhan illaa 9 Milyan oo dollar, taas oo uu tilmaamay inay ku dhici jirtay jeebka dad kale, taasina ay tahay waxa qaylada keenay.

“Xajka sida hadda la sheegay lacagta soo hartay oo 9 Milyan ku dhow dad bey jeebkooda ku dhici jirtay marka waxa qayinaayo waa sagaalka Milyan” ayuu mar kale yiri Roobow.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka ka xariiqay inuu diyaar u yahay isla xisaabtan iyo xittaa in baaris lagu sameeyo Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda Soomaaliya.

“Mudane ra’iisul wasaare haddii ay jirto lacag qaloocan ama wasaaradda ay qabto ama wasiirka uu qabo waxaan codsanayaa hay’adaha ku shuqulka leh beri subixii inaanu ila dhaafin ay soo af meeraan la ogaado maxaa ka jira meesha? ayuu kusii daray wasiirku.





Source link