Tababaraha Manchester United Eric ten Hag ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay ka dib markii ay guuldaro 2/1 ah kala kulmeen kooxda Man City Final-ka tartanka FA Cup-ka.
Goolal uu dhaliyay xiddiga Ilkay Gundogan Ayaa Man City ka caawiyay in ay Man United ku garaacdo koobka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan.
“Waan Niyad jabsanahay, runtii aad ayaan u niyad jabsanahay laakiin waan ku faanayaa kooxdayda”ayuu Ten Hag u sheegay BBC Sport.
Wuxuu ku daray: “Waxaan u ciyaarnay si fiican laakiin waxa nalaga dhaliyay 2 gool oo fudud, waxa aan ku jirnay ciyaarta waxana aan ahayn kuwo nidaamsan”.
“Marka aad la ciyaareyso City oo aadan waxba ka helin ciyaar furan, ammaanta waxa iska leh kooxda laakiin marka sidan oo kale goolal lagaaga dhaliyo waxa ay kugu keenaysaa niyad jab”.
“Kooxdu waxay muujisay shaqsiyada, waxa aan ku soconaa wado fiican laakiin kulanku waxa uu ahaa tijaabo kuma aanan gudbin tijaabadaas laakiin waxa aan kala baxaynaa waxa fiican”ayuu sii raaciyay.

Related



Source link