Hargeysa (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta qasriga Madaxtooyada ku qaabiley safiirka cusub ee dowladda UK ee arrimaha Soomaaliya Amb. Mike Nithavrianakis, oo howl shaqo ku yimid caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Kulankan ayaa waxaa lagaga wada-hadlay qodobbo dhowr ah oo ay kamid yihiin sidii dowladda Ingiriiska iyo Somaliland sannadkan gudihiisa ay u daah-furi lahaayeen mashaariicda labada dhinac iska kaashadeen ee Berbera Corridor iyo horumarinta dekedda Berbera.

Sidoo kale, waxa shirka lagu lafo-guray mashaariicdii hore u socday ee la xidhiidhay arrimaha bulshada ee dowladda Ingiriisku ka taageeri jirtay Somaliland in la sii dardar-geliyo kuwii socday iyo kuwa cusubba.

Kulankan ayaa waxa kale oo lagaga hadlay arrinta dagaalka ka taagan xarunta gobolka Sool ee Laascaanood iyo sidii xal loogu heli lahaa colaadda sii daba dheeraaneysa ee halkaasi ka taagan.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa waxa uu safiirka la wadaagay in marwalba ay ka go’an tahay xukuumadda uu hoggaamiyo xabbad-joojin, diyaarna ay dowladdu u tahay nabad.

Ugu dambeyntiina waxaa kulankaan looga hadlay arrimaha doorashooyinka Somaliland ku soo fool leh, oo muddooyinkii dambe uu ka dhashay khilaaf la xiriira qorshaha xukuumadda ee doorashooyinka.

Muuse Biixi ayaa safiirka wuxuu u sheegay inay si habsi leh u socdaan hawlaha u diyaar garowga doorashooyinku, sida shaqada daabacaadda iyo qaybinta kaadhadhka codbixiyayaasha.

Kulankan ayaa waxaa madaxweynaha ku wehlinaayey wasiir ku-xigeenka arrimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah, ahna ku simaha wasiirka Cabdinaasir Cumar Jaamac.

Dhinaca wefdigana waxa safiirka ku wehlinaayey masuuliyiin kale oo ka socday xafiiska horumarinta UK ee Somaliland.





Source link