Gaalkacyo (soomaalinews.com) – Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa maanta lagu qabtay dibadbax weyn oo ay dhigeen shacabka ku dhaqan koonfurta magaaladaasi.

Dibadbaxan ayaa waxaa lagu taageerayay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan howlgallada ka socda gobollada Galgaduud iyo Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Waxaa mudaharaadkan soo qaban qaabiyay maamulka degmada, ayada oo ujeedku ahaa in reer Gaallacyo ay taageero ugu muujiyaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ee haatan guullo ka gaaray howlgallada ka socda deegaanada maamulka Galmudug.

Dibadbaxayaasha ayaa isugu so baxay barxadda Five Star ee Gaalkacyo, iyaga oo ku qalinayay erayo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, waxayna sidoo kale siteen booray lagu soo xordhay erayo ay taageero ugu muujinayaam ciidamada huwanta ee gulufka ka waday gobollada dhexe ee dalka.

Waxgarad iyo abwaano ka hadlay mudaharaadka ayaa sidoo kale shacabka ku booriyay inay qaataan doorkooda, ayna garab istaagaan ciidamada ku sugan furimaha dagaalka.

Mid kamid saraakiisha laamaha ammaanka  oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in ka go’an tahay la dagaallanka Al-Shabaab, balse ay u baahan yihiin taageerada shacabka.

“Annaga ciidamo amni ahaan Shabaab waxaa naga go’an inaan a dirirno dhiigeena inaan ku bixino gudaha iyo bannaanka, waxaana rabnaa inaad na taageertaan” ayuu yiri.

Dhankiisa Duqa Galgakacyo, Cabdiraxmaan Sheekh Xasan oo gabagabadii hadalka qaatay ayaa xusay in Gaalkacyo ay diyaar u tahay halgalka xoreynta ee ka socda Galmudug.

Isku soo baxan ayaa qayb ka noqonaya abaabulka culus ee hadda ka socda Galmudug, kaas oo qorshihiisu yahay in kooxda Al-Shabaab looga saaro guud ahaan Galmuudg.





Source link